4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay difaacdo xorriyadda iyo xuquuqda muwaadiniinta deegaannada SSC

Jimco, February, 3, 2023 (HOL) - Raysal wasaarayaal hore, guddoomiyayaal barlamaan oo hore, Wasiiro hore, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, ayaa dowladda federalka ugu baaqay in ay caddeyso mowqifkeeda ku saabsan qaddiyada shacabka SSC.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay mabda’ ahaan u difaacdo xorriyadaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta aaminsan una taagan midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in fursado badan horay loo lumiyey 30kii sano ee la soo dhaafay oo ay ahayd in xal waara oo degdeg ah laga gaaro gooni-isutaagga Somaliland, iyadoo loo marayo dib-u-heshiisiin in la sameeyo oo dib loo mideeyo dalka.

Waxay sheegeen shacabka kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn in aanay xaq u lahayn in lagu caburiyo ama lagu colaadiyo aragtidooda iyo dareenkooda ku aaddan qaddiyadda Soomaalinimo.

“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda Federaalka in ay deg-deg u billowdo wadahalada Soomaaliya iyo Somaliland una magacawdo guddi khibrad, karti iyo aqoon u leh wadaxaajoodka," ayaa lagu yiri bayaanka lasoo saaray.

Waxay soo jeediyeen in muhimad gaar  la siiya sugidda matalaad dhab ah oo isu dheelli tiran kana tarjumaya mowqifyada kala duwan, si loo abuuro jawi kalsooni iyo is-aamin leh oo suuragalin kara wada-xaajood laga dhaxlo muwaafaqo iyo heshiis.