4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2022
Ilhaan Cumar oo ballanqaaday inay gacan ka geysan doonto ololaha wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya

Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha iyo Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan dhanka Internet-ka ah la qaatay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan laga soo doortay Gobolka Minnesota.

Ergeyga Gaarka ah ayaa u mahadceliyey Ilhaan Cumar iyo dowladda Mareykanka taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si gaar ah u xusay oo ka mahad celiyay 55 milyan oo dollar oo uu Mareykanka ugu deeqay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee Soomaaliya.

Ergeyga ayaa ugu baaqay xildhibaanka laga soo doorto gobolka Minnesota Ilhaan Cumar in ay dowladda Maraykanka sii laba jibaarto wax u qabashada dadka Soomaaliyeed.

Wakiilka Gobolka Minnesota, IlhaanCumar ayaa ballan qaaday inay gacan ka geysan doonto ololaha ka socda gudaha Mareykanka iyo sidoo kale isku xirka deeq bixiyayaasha iyo hay'adaha samafalka ee Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonto isku xirka Soomaalida Mareykanka iyadoo ku tilmaantay Soomaalida in ay yihiin dad wanaagsan oo isku gargaara meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]