3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2022
Maxamed Nuur oo ahaa Soomaali horey uga tirsanaan jiray Booliska Minneapolis oo xabsiga laga sii daayay ka dib 3 sano oo uu xirnaa

Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Askari hore oo katirsanaa Booliska Minneapolis oo toogtay haweenay aan hubaysnayn sanadkii 2017 ayaa laga sii daayay xabsiga Isniintii ka dib markii uu ku jiray xabsi muddo saddex sano ah, sida lagu sheegay diiwaannada Waaxda Asluubta ee Minnesota.

Mohamed Noor, oo 36 jir ah, asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa bishii April 2019 lagu helay dambi dil toogasho ah oo lagu dilay Justine Ruszczyk, taas oo dilkeedu uu dhacay markii ay xiriir la sameysay booliiska habeenimadii July 15, 2017, si ay uga warbixiso weerar ka dhacay meel u dhow gurigeeda.

Kiisku waxa uu caro ka dhaliyay Maraykanka iyo Ruszczyk oo ay asal ahaan ka soo jeedo Australia waxana uu sababay in taliyihii booliiska magaalada uu iscasilo.

Xeerbeegtida Marayanka ayaa markii hore askarigaan ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah. Balse markii dambe ayay maxkamaddu sheegtay in aanay jirin caddayn ku filan dambiga askarigan oo lagu sii wadi karo. waxaana lagu xukumay afar sano iyo sagaal bilood oo xadhig ah oo lagu soo oogay eedaymo dil ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/28/2022 1:59 PM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta xilkiisa si rasmi ah ula wareegay, ayaa ku dhawaaqay inay dowladda Soomaaliya galayso dagaal ay isaga xoreynayso cadowgeeda Alshabaab.

6/28/2022 10:20 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Dowlada Itoobiya ayaa guddi u magacawday wadahadal lagali doona Jabhadda TPLF, guddigaas oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra'iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Damake Mekonin.

6/28/2022 9:30 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Gabi ahaanba waxa la joojiyay xujaydii reer Somaliland ee sannadkan gudan laha waajibaadka xajka, kadib markii xukuumada Soomaaliya ay dhintay tiradii ay reer Somaliland ku lahaayeen samiga xujayda, sida xukuumada Somaliland sheegtay.

6/28/2022 8:33 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Xaflad uu xilka kula wareegayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka socota Muqdisho, Iyadoo ay ku sugan yihiin raysal wasaarihii hore iyo xukuumadii.

6/28/2022 6:31 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa Al-shabaab.

6/28/2022 4:18 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa shirjaraa'id oo uu qabtay ku faahfaahiyay xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

6/28/2022 2:44 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Puntland ayaa war kasoo saartay Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor), kaas oo beeniyay inuu yahay hoggaamiyaha shakabad katirsan Alshabaab oo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka geysan jiray magaalada Boosaaso.