10/1/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2022
Faysal Cali Waraabe: Ina Koore waxa laga rabaa in aad Taleex iyo Buuhoodle calanka gayso


Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali koore, ugu baaqay in uu calanka Somaliland geeyo Taleex iyo Buuhoodle.

Faysal oo ka jawaabayay shaki uu wasiirku galiyay wadalahaanshiyaha Somaliland, ayaa Koore ugu baaqay in uu Taleex iyo Buuhoodle calanka geeyo, kadibna uu madaxnimo raadsado.

"Ina Koore waxa laga rabaa in aad Taleex iyo Buuhoodle calanka gayso, oo ay codeeyaan, markaasad noo hanjabi kartaa, oo aad odhan kartaa waa nala qadiyay, lakin adiga oo maqan ma odhan kartid waa nala qadiyay" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in Somaliland loo wada dhanyahay oo anay cid gaar ahi haysan, isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo aahaa madaxweynihii ugu mudada dheeraa ee Somaliland soo mara.

Faysal ayaa dhanka kale Koore ku eedeeyay  in heshiiskii Somaliland iyo madaxda Khaatumo, ay is hortaageen isaga iyo saraakiil kale oo deegaankiisa kasoo jeeda.

Hadaladan ayay wasiirka iyo guddoomiyuhu isku waydaarsadeen madal lagu soo bandhigayay buug (dhigane) laga qoray taariikhda madaxweynihii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur).

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/27/2022 9:22 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa badalay 8 masuul oo xukuumadiisa ka tirsan, kuwaasi oo iskugu jira 2 wasiir, 2 wasiir ku xigeen, 3 madax hay'adood ah iyo 1 gaasime wasaaradeed, wuxuuna magacaabay 13 masuul oo kale.

6/27/2022 4:51 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Qabno ee duuleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

6/27/2022 4:44 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad guurada 45-aad ee xornimada dalka Jabuuti u diray dhigiisa Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

6/27/2022 2:56 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya inta u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari ay saarnaayeen wariyaal iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

6/27/2022 2:22 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Guddiga golaha ammaanka uqaabilsan cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladda cusub ee Soomaaliya kala shaqeynayaan cunaqabateynta hubka, curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab, arrimaha bini'aadantinimada iyo dhoofinta dhuxusha.

6/27/2022 2:15 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, oo u jawaabay wasiir Koore oo sheegay in ay Somaliland cid gaar ahi yeelatay, ayaa sheegay in hadii qabyaaladi jirto isaga laga rabo in uu hagaajiyo.

6/27/2022 2:13 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanka Qudus ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku eedeeyay ciidamada maamulka Jubbaland dhibaatooyin dhawaan ka dhacay deegaanka Qudus.

6/27/2022 2:08 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in deegaanadiisu ay u baahanyihiin in ay madaxtinimada qabtaan, oo anay cid gaar ahi uun isku koobin.

6/27/2022 2:06 AM EST
Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa madaxda xisbiga Waddani ku eedeeyay in anay ahayn masuuliyiin qaran oo arrin qaran doonaya.