4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2022
Wasiir Koore: Haday Somaliland noqoto, Somaliland reero leeyihiin shaqayn mayso
 

Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in deegaanadiisu ay u baahanyihiin in ay madaxtinimada qabtaan, oo anay cid gaar ahi uun isku koobin.

Wasiirka ayaa ku andacooday in la mooday in Somaliland cid gaar ahi leedahay, waxa uu sheegay in sida hadalka siyaasiyiintu u dhigayaan, loo dhaqmayo sidii oo Somaliland ay cid gaar ahi leedahay.

"Waxad u qaadateen in Somaliland reero gaar ihi leeyihiin, sida hadalada loo dhigayo, iyo sida loo dhaqmayo marka loo eego, oo ay kamid tahay 'waa markaygii' anagu maxaanu u joogna dalka, maxaanu ilaa 1991 uga shaqaynaynay?" Ayuu yidhi Wasiir Koore.

Waxa uu sheegay in hadii Somaliland ay yeelato cid gaar ahi, anay shaqayn doonin, isaga oo sheegay in shacabka deegaankiisu ay cabashooyin qabaan, waxa uuna intaa ku daray in anay Somaliland macno badan u samaynayn hadii kolba qolo tidhaa waa markaygii aan xukunka qabsan lahayn.

"Haday Somaliland noqoto, Somaliland reero leeyihiin shaqayn mayso, 24 saacadood cadawad Somaliland leedahay ayaanu la taaganahay, hadii aad idinku isku dhantihiin, qabiilo leh reer ayaanu wadanahay ayaa anaga dabada naga wada, ku waas ayaanu seef la daba joognaa, maxay Somaliland noogu fadhida anaga?, hadii marba reer isku soo qaawiyo" Ayuu yidhi Wasiir Koore.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay madal lagu soo bandhigayay buug (dhigane) laga qoray madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur).

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]