3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2022
Somaliland oo joojinaysa qaadka Itoobiya uga yimaada
 

Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Ganacsatada qaadka ee Somaliland , ayaa go'aan ku gaadhay in ay si buuxda u joojiyaan qaadkii ay Itoobiya ka soo iibsan jireen, kadib markii ay Oromadu qaaliyaysay.

Afhayeen u hadlay ganacsatada waa wayn ee qaadka Itoobiya ka keena, ayaa sheegay laga bilaabo 6-da bisha July, ay gabi ahaanba ka wareegayaan qaadka Itoobiya, una wareegi doonaan Yemen iyo Kenya.

"Oromadii waxay tidhi kiloogii qaadka ahaa $10 ku keena, waxaana LC gu ahaa $2 markaa $8 ayaa la kordhiyay, laga bilaabo maanta oo 26 ah bisha soo socota 6-deeda waanu joojinay qaadkaa, waxaana aanu ka dalbanaynaa Kenya iyo Yemen" ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in go'aanka ay la ogtahay xukuumada Somaliland "Sidaasi ayaanu ku wadahadalnay wasaarada maaliyada oo kastamku ka mid yahay, qof loo cashuuri karo bisha 6-deeda qaad, ama ka keeni kara Itoobiya ma jiro".

"Yemeni wax  bay inaga iibsataa oo xoolaha ayay inaga iibsataa, qofka wax kaa iibsada in aad wax ka iibsataa waa waajib, Kenya-na waxaanu u raraynaa kalluunka yaga" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa kale oo ay sheegeen in Itoobiya ay ka dalbatay in ay qaadka ku iibsadaan lacagta dollarka, taasi oo ay sheegeen in hadii ay dhacdo ay dhaqaale burbur ku keeenayso dhaqaalaha Somaliland, isla markaana uu dollarku qaaliyoobayo, iyo in Oromadu ay go'aansatay in ay iyagu qaadka keenaan Somaliland oo gacansatada waddaniga suuqa ka saaran.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/26/2022 4:17 PM EST
Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu iska difaaco su’aalo la xiriira arrimaha maaliyadda oo uga yimid xafiiska xeer ilaalinta.

6/26/2022 2:32 PM EST
Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay guddoonka labada aqal ee barlamaanka, inay hor taagan yihiin in qeyb kamid ah lacagtii laga aruriyay musharraxiinta madaxweynaha, laga bixiyo gurmadka abaaraha.

6/26/2022 6:23 AM EST
Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka shaqeynayso tabo iyo siyaasado iskusoo dhoweynaya Soomaaliya iyo Somaliland.

6/26/2022 2:03 AM EST
Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay Somaliland ka garbaxdo, oo anay kaliya afmacaan kula hadal.

6/26/2022 1:53 AM EST
Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa magaalada Bosaso kusoo dhoweeyay 17 muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muddo 12 sano ah dambiyo burcad baddeednimo ugu xirnaa dalka Cumaan.

6/26/2022 1:33 AM EST
Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo shalay xasaanad ka helay barlamaanka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay suurtagalnimada in khilaaf dhexmari karo isaga iyo madaxweynaha, si lamid ah madaxdii dowladdihii ka horeeyay.

6/26/2022 1:26 AM EST
Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay, in uu la hadlo oo uu dhagaysto mucaaradka.