10/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2022
Shirkad caalami ah oo dhalisa tamarta korontada oo Somaliland maal gashanaysa

Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Shirkada Sky Power oo ah mid kamid ah shirkadaha ugu waa wayn ee dhaliya quwada korontada caalamka, ayaa cilmi-baadhis ku samaynaysa kadibna maalgashan doonta suuqa korontada ee Somaliland.

Guddoomiyaha Koomiishanka Tamarta iyo Korontada Somaliland Axmed Faarax Cadare, oo saraakiil shirkadan ka socda madaarka Cigaal kusoo dhaweeyay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in la ogaado noocyada tamarta ee Somaliland laga heli karo.

"Madaama dhibaatada ugu badan ee waddanka haysataa ay tahay tamarta, waxaanu leenahay baadhitaankaa sameeya, tiknoolajiyada casriga ah ayaa loobahanyahay, waxa loo bahanyahay in la ogaado inta nooc ee tamar ah ee waddankeena laga heli karo" ayuu yidhi Cadare.

Cadare ayaa sheegay in shirkadaha waddaniga ah aan suuqa laga saarayn lakin, loo baahanyahay aqoon, oo ay is kaashan doonaan "Tan macnaheedu maaha in shirkadaheenii waddanka ku jiray suuqa laga saarayo, way iskaashanayaan, qoon ayaa loo bahanyahay, xirfad ayaa loo bahanyahay".

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aarre, oo isna goobta ku sugnaa, ayaa sheegay in shirkadan baahi aad u wayn loo qabo, xili uu  culays badani saaranyaahay shirkadaha korontada ee waddaniga ah, isla markaana waxa uu intaa ku daray in ay galayaan heeshiisyo kama danbays ah.

"Waxaanu imika isla marayna in ay waddankii yimaadaan, heshiisyadii ugu danbeeyayna ay nala galaan, sidad ka wada war qabtaan waddankeenu baahi aad ah ayuu u qabaa, oo shirkadeheena culays badan baa saaran, in shirkadani ay timaado, oo ay rabto in ay maalgashi aad iyo aad u badan waddankii galiso" ayuu yidhi Aarre.

Imaatinka Sky Power ayaa kusoo beegmaya xili shirkadaha korontada Somaliland, ay ku dhawaaqeen in ay saacado kamid ah habeenkii jari doonaan laydhka, marka la gaadho bisha August, taasi oo ay xukuumada Somaliland ka biyo diiday, shirkadaha ayaa sheegay in anay haysan shidaal ku filan.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/25/2022 8:11 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sida lagu sheegay qoraal rasmiya oo kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud.

6/25/2022 7:47 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Dagaalamayaal katirsan ururka Al-Shabaab ayaa wadada u galay oo istaajiyay Bas ay la socdeen dad rakaab ah oo kusii jeeday degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

6/25/2022 7:44 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Madaxda ugu saraysa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, oo booqasho ugu tagay muwaadin kii sheegay in booliisku jidh dileen, ayaa cambaareeyay waxyeelada uu sheegay in booliisku kula kaceen.

6/25/2022 6:50 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Golaha Shacabka ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo 15-kii Bishan uu magacaabay Madaxweynuhu.

6/25/2022 5:34 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhowayd cod aqbliyad leh ku ansaxiyey Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, kadib markii uu maanta hortagay oo uu ka jeediyay barnaamijkiisa siyaasadeed ee xukuumada soo socota.

6/25/2022 1:47 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Wasiir katirsan maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay xildhibaannada Puntland lagasoo doortay inay masuul ka yihiin guul darradii madaxweyne Deni kasoo gaartay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

6/25/2022 1:41 AM EST
Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah fadhigooda waxay ugu codeynayaan Raysal wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Xamse Cabdi Barre oo haddii uu codka kalsoonida uu ka helo Baarlamaanka Soomaaliya soo magacaabi doono Xukuumad sidaan oo kale u hortagi doonto Golaha Shacabka.