4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Puntland oo gacanta kusoo dhigtay xubno katirsan ururka Daacish oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada
 

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Ciiddanka PSF-ta Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay saddex xubnood oo katirsan kooxda Daacish, kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Ethiopia.

Ciiddanka ayaa raggaan kasoo qabtay deegaanka Timirshe ee gobolka Bari, iyagoo doonayay inay sahay qalab ciidan ah u gudbiyaan kooxda Daacish ee buuraha ku dhuumaleysanaysa.

War kasoo baxay PSF ayaa lagu sheegay in raggaan ay qeyb ka yihiin 7 nin oo xogtooda horey loo hayay, kuwaas oo la ogaaday inay katirsan yihiin ururka Daacish.

Waxay PSF-tu sheegtay baaris kadib inay saddexda nin qirteen inay katirsan yihiin Daacish una qaabilsanaayeen u gudbinta sahayda Daacishta ku sugan buuraha Carmiska.

Magacyada raggan iyo kuwa ka maqan gacanta ciidanka, ayaa la siidaayay, iyadoo la sheegay inay dhamaantood yihiin dadka Oromada ah ee tahriibka ku tagay magaalada Bosaso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]