3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Telefishinka Channel 4 oo loo gudbiyay cabasho ka dhan ah warbixin uu weriye Soomaali ah ka sameeyay ururka Alshabaab
 

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Telefishinka Channel 4 ee laga leeyahay dalka UK, ayaa la kulmay in ka badan 100 cabasho ah oo ka dhan ah barnaamij weriye Jamaal Cismaan uu dhawaan ka diyaariyay ururka Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka ka xumaaday barnaamijkan, ayaa ku andacooday inuu barnaamjikaas ahaa mid kor loogu qaadayay dadkana lagu jecleysiinayay fikradaha khatarta ah ee ururka Alshabaab.

Dadka barnaamijkan kasoo horjeeda ayaa saxiixay codsi ku aadan in barmaamijkan gebi ahaanba la tirtiro, iyagoo sheegay in baahintiisa aanay kaliya dhaawac ku ahayn sawirka Soomaaliya, laakiin ay dhibaato ku tahay dadka Al-Shabaab dhibaateeyeen.

Todobaadkii hore, weriyaha Channel 4 News, Jamaal Cismaan, ayaa waxa uu helay muuqaal naadir ah oo uu ka sameeyay dhulka Al Shabaab ka taliso, waxaana uu u safray magaalada Jilib oo lagu tilmaamo caasimadooda Alshabaab.

Ka dib markii la sii daayay muuqaallada, daawadayaasha qaar ayaa aad uga carooday, iyagoo aaminsan in wariyaha uu si qaldan uga hadlay sawirka Soomaaliya, isagoo sheegay in saddex meelood meel kamid ah Soomaaliya ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Channel 4 News ayaa bayaan ay soo saartay ku difaacday Jamaal Cusmaan, waxayna sheegeen in weriyahoodu uu sameeyay warbixin adag oo kasoo waramaysay waxa ka socda gudaha Alshabaab, ayna ku garab taagan yihiin shaqada uu qabtay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/24/2022 5:43 PM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay, go'aanka shirkadaha korontadu ku sheegeen in ay korontadu maqnaan doonto habeenkasta saacadaha u dhexeeya 1:00 ilaa 400 habeenimo laga bilaabo 1 August.

6/24/2022 8:45 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa laga helay caabuqa COVID-19, baaritaan uu maray kadib markii uu maanta dalka dib ugusoo laabtay.

6/24/2022 7:31 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Maxamed Cali Maxamed oo reer Hargaysa ah, ayaa Ciidanka Booliiska Somaliland ku eedeeyay in ay u gaysteen jidhdil sababay in mid kamid ah xiniinyihiisu ay dhimato, intii uu socday mudaharaadkii 9 Juun.

6/24/2022 7:14 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo falal isugu jira afduub iyo ganacsi ka sameeya maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.

6/24/2022 5:08 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Ciiddanka PSF-ta Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay saddex xubnood oo katirsan kooxda Daacish, kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Ethiopia.

6/24/2022 4:54 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo waraysi gaar ah siiyay Universal TV, ayaa sheegay in ergo beesha caalamka ka socota oo uu Nairobi kula kulmay, uu uga warbixiyay mawqif mucaaradka, ee ku aadan in aanay aqbalayn doorashada urrurada siyaasada.

6/24/2022 3:11 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Wasaaradda amniga maamulka Koonfur galbeed ayaa digniin u dirtay siyaasiyiin ay ku eedeysay inay qalqal amni ka abuurayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

6/24/2022 12:39 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Ergayga madaxweynaha Soomaaliya uqaabilsan arrimaha abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo jeediyay in hoos loo dhigo xuska maalmaha xorriyada dalka, isagoo sheegay dalku inuu ku jiro xaalad aan mudnayn dabaal deg.

6/24/2022 12:26 AM EST
Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Shidaal yaraan dhacday awgeed korontada, ayaa habeenkasta magaalooyinka Somaliland ka maqnaandoonta saacadaha u dhexeeya 11:00 ilaa 4:00 habeenimo marka la gaadho 1 August.