4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2022
Maxkamadda ciidamada oo xabsi daa'in ku xukuntay darawal Mooto Bajaaj oo katirsanaa Alshabaab
 

Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Ismaaciil Xasan Salaad Nuur, oo ahaa darawal mooto Bajaaj oo katirsan Alshabaab una qaabilsanaa gurmadka iyo kala gudbinta hubka iyo qaraxyada.

Ismaaciil Xasan Salaad ayaa bishii August ee sannadkan ku dhaawacmay Qarax ka dhacay aagga isgoyska Taleex. ee degmada Hodan. Qarxaas oo ahaa mid lagusoo raray mooto bajaaj uu watay. Waxaana ku dhintay nin kale oo katirsanaa Alshabaab.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay, inuu Ismaaciil hubka, qaraxyada iyo agabyada kale u kala gudbin jiray kooxda Alshabaab, isagoo isticmaalayay Moojo bajaaj ay u biiyeen Alshabaab.

Waxaa sidoo kale lagu helay inuu sanadihii 2017 iyo 2020 kamid ahaa koox u abaabulan inay arbushaad ka geystaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.