4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay ka go'an tahay dib usoo celinta wadahadaladii Somaliland
 

Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane, ayaa la wadaagay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kuwaas oo uu sheegay inay bilow fiican u yihiin xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada DFS iyo SL, waxa uuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taasoo uu sheegay in ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan Soomaaliland.

Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumbaroğlu iyo Norway Heidi Johansen ayaa ku bogaadiyey madaxweyne xasan Sheikh, sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada.