4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2022
Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay oo iska kaashanaya wax ka qabashada Abaaraha Soomaaliya
 

Talaado, December, 6, 2022 (HOL) - Shir wadajir ah oo dhexmaray ururka Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya.

Shirkan ayaa inta badan ujeedadiisu ahayd sidii la iskaga kaashan lahaa dadaallada ay ururadu ugu jiraan ka hortagga khatarta abaaraha iyo macluusha ka jirta gobollo badan oo Soomaaliya ah.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Danjire Hossam Zaki oo ka hadlayay ujeeddooyinka shirka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay garwaaqsatay xaaladda adag ay keentay abaarta inay ku baaqdo shir loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya.

Zaki ayaa intaa ku daray in shirka soo socda uusan ujeedkiisu ahayn in la helo ballan qaadyo gaar ahaan maadaama baahida Soomaaliya ay tahay mid aad u ballaaran, balse ay tahay in la isku dubbarido dadaallada ka dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay si loo gaaro danaha Soomaaliya.