12/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2022
Dagaalo culus oo haatan ka socda deegaano hoostaga degmada Aadan Yabaal
 

Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ay ka socdaan deegaanada kala ah Wartadibi samatar iyo Boos Caduur oo ah deegaano hoostaga degmada Aadan Yabaal.

Dagaaladaan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay u ruqaansadeen dhanka degmada Aadan Yabaal oo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaasi oo aheyd degmadii ugu dambeeysay oo ay ka maamulayeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka haatan ka soconaya deegaanada Wartadibi Samatar iyo Boos Caduur ayaa lasoo warinaya iney yihiin kuwa aad u xoogan oo la isku adeegaanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale deegaano ka fog fog halka ay dagaalada ka socdaan laga maqlaya daryanka hubka culus ee la isku adeegsanayo, walow aanan wali la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalada haatan socda.

Ciidamada huwanta ayaa la sheegay iney saddex jiho ka weeraray deegaannada dagaalada ka socdaan, saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalkooda uu sii socon doonno illaa inta ay gobolka Shabeelaha Dhexe ka saarayaan Al-shabaab ayna isaga furayaan isu socodka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.












Click here
12/5/2022 9:52 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Xarunta Xuquuqal Insaaka Maxada-bannaan ee Somaliland, ayaa cambaaraysay xadhig booliisku u gaystay xubin ka tirsan ururka Kaah.

12/5/2022 9:36 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw gudaha u galay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

12/5/2022 9:02 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir looga hadlaayo xal u helida barakaca ayaa sheegay in muhiim tahay waxka qabashada colaadaha iyo isbadalka cimilada oo uu tilmaamay iney yihiin sababaha ugu horeeya ee keena barakaca.

12/5/2022 8:11 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka qeyb qaadanaya dagaal dhinaca cirka ah oo kooxda Shabaab looga xoreynayo gobolka gobolada dhexe ee Soomaaliya.

12/5/2022 4:25 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo lix dal oo kale oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa gaaray heshiis ku saabsan isu socodka xorta ah ee dadka.

12/5/2022 3:31 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Madaxa ciidamada TPLF Janaral Taddese Warade ayaa sheegay in boqolkiiba 65 ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka, sida ku caddayd heshiiskii TPLF iyo dowladda Itoobiya ku dhex maray Koonfur Afrika.

12/5/2022 2:39 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona uga warbixiyey halganka dalka lagaga xorreynayo dagaalamayaasha Al-shabaab.

12/5/2022 1:41 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Xalay ka sameyeen ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

12/5/2022 12:53 AM EST
Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku qabtay daawooyin aad u badan oo kaar jebiyayaal ah oo ay ku jiraan Pethidine iyo Cirbadda Oxytocin ee loo isticmaalo xilliga foosha dumarka.