4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2022
Guddoomiye Cali Jeyte "Islaanimadeyda ayaa gaasir ah oo nin muslim ah ma ihi hadii aan aqbalo in isbaaro la dhigto"
 

Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa go'aan culus kasoo saaray dhigashada isbaarooyinka lagu dhibaateeyo dadka shacabka ee masaafurka ah.

Guddoomiye Jeyte oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan ayaa si aan gambasho laheyn wacad ugu maray in talaabo adag uu ka qaadi doono cidii la arko iyadoo isbaaro u taala ama dhiganeysa.

"Islaanimadeyda ayaa gaasir ah oo nin muslim ah ma ihi hadii aan aqbalo in Isbaaro la dhigto, War burcadow, kuwa jidka galayow ilmo adeer yaalow na kala bad-baadiya soo gala ciidamada iyo dagaalka socdo" ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Wuxuu sheegey guddoomiye Jeyte inuu mudo lix bilood ah la dagaalamayo Shabaab, islamarkaana uusan aqbali karin in dad safar ah lagu dhibaateeyo wadooyinka, wuxuuna ugu baaqay kooxaha dhigta isbaarooyinka iney kusoo biiraan ciidamada, islamarkaana ay ka qeyb galaan dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Gabagabadii hadalkan kasoo yeeray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey qaylo dhaan iyo walaac laga muujinayey isbaarooyin hor leh oo lasoo dhigtay deegaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle.