9/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2022
Isku aadka wareegga 16-ka ee koobka adduunka oo lasoo saaray
 

Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Wareega group-yada ee koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana hadda loo soo gudbay wareegga bug-baxa oo ay 16 kooxood isugusoo hareen.

Koobka adduunka waxaa sanadkan ka soo baxay natiijooyin lama filaan ah, iyadoo Argentina ay guuldarro ka soo gaartay Saudi Arabia, Japan oo ka badisay Jarmalka iyo guushii muhiimka ahayd ee Morocco ay ka gaartay Belgium.

Xulka Germany iyo Uruguay ayaa ku wada haray wareega guruubyada, iyadoo ay wehliyaan Belgium iyo xulka qaranka Denmark oo semi-finalka tagay yuuradii sannadkii 2020.

Haddaba, waxaa lasoo saaray isku aadka wareegga 16-ka ee koobka adduunka, iyadoo maanta la billaabayo labada kulan ugu horrreeya.

Badi xulalka waawayn ayaanan isku beegmin wareeggaan. Inkastoo Qaramo si yaable kusoo baxay aanan la dhayalsan karin awooddooda.

Xulka Argentine iyo Australia oo isku beegmay ayaa maanta wada cayaaraya, sidoo kale Natherland iyo Maraykanka ayaa wada cayaaraya.

Halkaan hoose ka akhriso isku aadka wareegga bugbaxa.













Click here
12/3/2022 10:47 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka ayaa Maanta Al-shabaab kala wareegay deegaano badan oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

12/3/2022 10:19 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusaayey Maalinta Caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo muhiim ah ka jeediyay munaasabadda.

12/3/2022 8:29 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa waali ku tilmaamay talaabada ay xukuumadu ku doonayso in lagu galo doorashada ururada.

12/3/2022 6:54 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilamamay in lagu xad gudbay xasaanaddooda, iyagoo sheegay inay hay’adaha amnigu ula dhaqmeen si xad gudub ah.

12/3/2022 2:55 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa go'aan culus kasoo saaray dhigashada isbaarooyinka lagu dhibaateeyo dadka shacabka ee masaafurka ah.

12/3/2022 2:22 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha Horumarinta dalka UK, Andrew Mitchell, ayaa ku dhawaaqay taageero cusub oo ay UK siinayso Soomaaliya kadib booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimid Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay.