4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2022
Xisbiga WADDANI oo ka hadlay dhicista liisanka sharci ee xisbiyada
 

Talaado, December, 27, 2022 (HOL) - Xisbiga WADDANI, ayaa kasoo hor jeestay go'aankii ay Guddida Diwaangalinta Ururada Somaliland, ku sheegtay in ay dhamaatay mudadii sharci ee la doortay xisbiyada WADDANI, UCID iyo Kulmiye.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo hadal ka jeediyay Shirwaynaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa sheegay in xisbiyadu sharciyad ku joogayaan inta doorasho lagu badalayo.

"Waxan rabaa in aan tilmaamo  waraaqaha shalay baxayay ama laga yaabo in ay maalmo ka horeeyay baxayeen, waan arkayay in dadka qaarkood leeyihiin xisbiyada liisankii ayaa ka dhamaaday, muu dhamaane waanu joognaa, waananu joogi doonaa" ayuu yidhi Xirsi.

Waxa uu sheegay in xisbiyadu yihiin hay'addo, isla markaana anay lamid ahayn madaxweynaha, waxa uu sheegay in hay'addaha marka la doorto doorasho kali ah, uun lagu badali karo, oo ay sii joogayaan inta doorasho laga gaadhayo.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo shirka ku sugnaa oo guddoomiyaha u jawaabay, ayaa sheegay in saddexda xisbi ee hada  uu ka dhamaaday liisankii sharci ee ay ku shaqaynayeen 10 kii sanno ee lasoo dhaafay.

10 kii sanno ee la doortay saddexda xisbi ee hada jira, ayaa ku ekayd shalay, sida guddida furista iyo diwaangalinta ururadu sheegtay, xisbiyadan ayaa lasoo doortay 28, 12, 2012.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]