8/14/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2022
Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta go'aan wadajir ah ka gaaraya dooda Miisaaniyada dowladda
 

Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maalintii sadaxaad oo xiriir ah kulan ka yeelanaya akhrinta 3-aad ee Miisaaniyada dowladda sanadka 2022-ka.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay su'aalo adag oo la xariira miisaaniyada dowladda weydiinaayay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale wasiir Beyle ku eedeeyay in afartii sano ee lasoo dhaafay wasaaraddiisa aysan sameynin wax xisaab xir ah, islamarkaana ay maqan tahay lacag dhan 193 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Maanta ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo dooda dheeraatay ee qaadatay fadhiga sadaxda maalmood ah ee Baarlamaanka labada Aqal wasiirka Maaliyadda wax kaga weydiinayeen miisaaniyada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
6/30/2022 12:44 PM EST
Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga daba- galka & xaqiiqa raadinta xisaab xirkii 4tii sano ee u dambeysay. 2018, 2019, 2020, 2021.

6/30/2022 10:19 AM EST
Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulankoodii Maanta kusoo gabagabeeyay ka doodista miisaaniyada dowladda.

6/30/2022 9:47 AM EST
Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Beeralayda ku dhaqan degaanka Lafaciise ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa ka cabanaya Shidaal yarida degaanka ka jirta, waxay beeralaydu sheegeen in hadda beeraha ay ku qotaan Cagafyo hase yeeshee Cagaftii ay ula'yihiin shidaal.

6/30/2022 7:43 AM EST
Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo ku midoobay Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladaha ay wajaheyso Puntland taasoo ay sheegeen inay abuurtay xukumada haatan jirta ee Madaxweyne Deni

6/30/2022 4:24 AM EST
Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni, ayaa soo saaray baaq ku wajahan abaaraha, isagoo kulan uu la qaatay hay’addaha gargaarka ugu baaqay inay mudnaanta siiyaan badbaadinta nolosha dadka.

6/30/2022 1:41 AM EST
Khamiis, Juun, 30, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in uusan ku qancin karin in dadka Soomaaliyeed ay xilligan u dhimanayaan baahi iyo biyo la’aan ka dhalatay abaaraha.