8/14/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2022
Wasiir Khadiijo: Anigoo fulinaya amarka madaxweynaha, ayaan maalmaha xorriyadda gargaar gaarsiineynaa dadkeenna
 

Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dabaal degga maalmaha xorriyadda xoogga lagu saarayo in dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen la gaarsiindoono sahay gargaar ah.

Wasiirka gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa hadalkaan sheegtay, iyadoo xustay in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu fareen in gurmadka abaaraha la xoojiyo maalmaha xorriyadda.

“Anigoo fulinaya amarka madaxweynaha jamhuuriyadda, mudane PROF: Xasan Sheikh Maxamuud, raacayana faritaanka raysal wasaaraha dalka, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaan maalmaha xorriyadda gaarsiineynaa dadkeenna sahayda gargaarka abaaraha,” ayay tiri wasiirka gargaarka Khadiijo.

Wasiir gargaarka waxay isla maanta magaalada Muqdisho ka qaaday gargaarka raashin ah, iyadoo geysay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, oo kamid ah meelaha abaaruhu aad u saameeyeen.

Rayal wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay markuu xilka la wareegay sheegay inay dowladda Soomaaliya si aad ah uga shaqeyndoonto in qof Soomaaliyeed oo dambe uusan u geeriyoon gaajo ka dhalatay abaaraha dalka jira.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/29/2022 3:15 PM EST
Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa jeediyey warbixin ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.

6/29/2022 10:23 AM EST
Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdirisaaq Macalin Ciid oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay Mashaariic horumarineed oo shantii sano ee lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ka fulisay deegaano ka tirsan maamul goboleedyada dalka qaarkood.

6/29/2022 5:29 AM EST
Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha iyo Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan dhanka Internet-ka ah la qaatay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan laga soo doortay Gobolka Minnesota.

6/29/2022 5:11 AM EST
Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha 21aad ee Soomaaliya , Xamse Cabdi Barre ayaa 7:00 AM ee Arbacada maanta tagay xafiiska , halkii oo ay uga billaabatay maalintii u horreysay ee shaqada, ka dib markii uu shalay xilka kula wareegay xaflad ka dhacday barxad ku taalla bartamaha dhismaha uu ku shaqeeyo Ra’iisul wasaaraha iyo Golaha wasiirrada.

6/29/2022 2:50 AM EST
Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markale ka warbixisay xaalada guud ee caafimaadka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo kooban ka hor laga helay cudurka COVID-19, xili uu kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka isutaga Imaaraadka Carabka.

6/29/2022 2:38 AM EST
Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedayn uga timid Somliland, taas oo ku saabsan sida loo qeybsaday xujeyda sannadkan.