4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2022
Madaxtooyada Soomaaliya oo shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka bogsooday cudurka COVID-19

Arbaco, Juun, 29, 2022 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markale ka warbixisay xaalada guud ee caafimaadka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo kooban ka hor laga helay cudurka COVID-19, xili uu kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka isutaga Imaaraadka Carabka.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga waayay cudurka COVID-19, islamarkaana xaaladdiisa Caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan.

Wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha uu ka bogsooday xanuunka, islamarkaana uu gudan haayo waajibaadkiisa qaran, isagoo tixraacaya tilmaamaha ee Caafimaadka ee COVID-19.

"Madaxweynaha waa la baaray mar kale, waana laga waayey xanuunkii COVID-19, waxaana umadda Soomaaliyeed ee xogta madaxweynaha raadineysay la wadaagayaa in maanta baaritaankii madaxweynaha la marsiiyey uu muujiyey inuu ka bogsooday cudur Covid-19” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar.

Afhayeenka madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyna Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu dhawaan la hadli doono shacabka Soomaaliyeed ee ka walwalsana xaaladiisa Caafimaad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online