8/14/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2022
Raysal wasaare Xamse: Dalkaan wuxuu u jihaysandoonaa inuu iska xoreeyo cadowgiisa ee haloo diyaar garoobo
 

Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta xilkiisa si rasmi ah ula wareegay, ayaa ku dhawaaqay inay dowladda Soomaaliya galayso dagaal ay isaga xoreynayso cadowgeeda Alshabaab.

Raysal wasaaraha ayaa caddeeyay in ajendaha koowaad ee xukuumadiisu uu yahay xaqiijinta amniga, si buu yiri loo gaaro amni sugan oo dadka Soomaaliyeed looga saari karo dhibaatooyinka ay ku jiraan oo abaaruhu ugu horeeyaan.

“Wax kale lagama shaqeyn karo, haddii aan nabad galyo la helin. Meeshaas weeye meesha bugta Soomaaliya, xalkana u baahan waa meeshaas. Innagoo isku tashanayna oo heshiis ah, waxaa laga maarmaan ah in aan u dhaqaaqno sidii aan dalka u xorayn lahayn,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Raysal wasaare Xamse wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadka Soomaaliyeed ay ka badbaadin doonaan amni xumada, dalkana uu gaaridoono xoriyad looga shaqeeyo horumarkiisa.

Hadalkaan ayaa qeyb ka ah khudbad uu raysal wasaaruhu ka jeediyay xafladdii uu galabta xilka kula wareegay, isagoo raysal wasaarihii uu xilka kala wareegay Rooble ku tilmaamay inuu yahay geesi dalka ka badbaadiyay inuu meel xun ka dhaco.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/28/2022 10:20 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Dowlada Itoobiya ayaa guddi u magacawday wadahadal lagali doona Jabhadda TPLF, guddigaas oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra'iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Damake Mekonin.

6/28/2022 9:30 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Gabi ahaanba waxa la joojiyay xujaydii reer Somaliland ee sannadkan gudan laha waajibaadka xajka, kadib markii xukuumada Soomaaliya ay dhintay tiradii ay reer Somaliland ku lahaayeen samiga xujayda, sida xukuumada Somaliland sheegtay.

6/28/2022 8:33 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Xaflad uu xilka kula wareegayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka socota Muqdisho, Iyadoo ay ku sugan yihiin raysal wasaarihii hore iyo xukuumadii.

6/28/2022 6:31 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa Al-shabaab.

6/28/2022 4:18 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa shirjaraa'id oo uu qabtay ku faahfaahiyay xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

6/28/2022 2:44 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Puntland ayaa war kasoo saartay Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor), kaas oo beeniyay inuu yahay hoggaamiyaha shakabad katirsan Alshabaab oo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka geysan jiray magaalada Boosaaso.

6/28/2022 1:50 AM EST
Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Askari hore oo katirsanaa Booliska Minneapolis oo toogtay haweenay aan hubaysnayn sanadkii 2017 ayaa laga sii daayay xabsiga Isniintii ka dib markii uu ku jiray xabsi muddo saddex sano ah, sida lagu sheegay diiwaannada Waaxda Asluubta ee Minnesota.