4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2022
Madaxtooyada Soomaaliya oo shaacisay in Maanta Baaritaan la marsiin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
 

Talaado, Juun, 28, 2022 (HOL) - Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa shirjaraa'id oo uu qabtay ku faahfaahiyay xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa sheegay in xaalada Caafimaad ee madaxweyne Xasan oo dhawaan laga helay xanuunka Cudurka COVID,19 ay haatan tahay mid wanaagsan oo aysan jirin wax saameyn muuqato ah oo uu ku yeeshay Cudurka madaxweynaha.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaasi ku daray inuu Madaxweynaha si caadi ah u wato howlihiisa, isaga oo raacaya talooyinka iyo habraacyada caafimaad oo ay dejiyeen bahada Caafimaadka, kuwaas oo la xiriira tallooyinka cudurka COVID-19.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa sidoo kale sheegay in Maanta oo Talaado ah Madaxweynaha laga qaadi doono baaritaan caafimaad si loo hubiyo xaaladiisa caafimaadka, maadaama muddo dhowr maalmood ah ay kasoo wareegatay markii laga helay cudurka COVID-19.

Ugu dambeynti Afhayeenka Madaxtooyada waxaa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maamuud inuu uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed ducadooda, isagoona xusay in madaxweynaha uu sidoo kale khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu ugu hambalyeeyay sanad guuradii 45-aad oo ah markii ay xornimada dowladda Jabuuti ka qaadatay gumeystahii dowladda Faransiiska.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online