4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Mozambique oo xirtay 5 qof oo Soomaali ah oo loo haysto ka ganacsiga daroogada

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo falal isugu jira afduub iyo ganacsi ka sameeya maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.

Sida uu sheegay afhayeenka booliiska Daniel Macuacua, Soomaalida la xiray waxay haysteen warqado aqoonsi oo been abuur ah.

Waraaqaha ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyo doon ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.

Mr Macuacua ayaa intaa ku daray in booliisku ay sidoo kale baareen shaqaale katirsan rayidka, oo lagu tuhunsan yahay inay kooxdan u fududeeyeen gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.

"Intii lagu jiray baaritaan, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha maxalliga ah kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan", ayuu yiri Mr Macuacua.

Mozambique ayaa ah meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka soo talaaba xudduudaha dalka Koonfur Afrika.

Bishii Oktoobar, hay’adda Socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xirtay 53 muhaajiriin ah oo sharci darro ku joogay bartamaha Gobolka Tete.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]