4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2022
Faysal Cali Waraabe: Waa kii Kulmiye baabuurta gubi jiray
 

Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Guddoomiya xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in axsaabta mucaaradku qabanayaan bannaanbaxyo nabadgalyo.

Waxa uu sheegay in sharcigu u ogolaanayo in mucaaradku ay qabsadaan mudaharaado, waxaanu intaa ku daray in wakhtigii Kulmiye iyo UCID mucaaradka wada ahaayeen in ay mudaharaadko rabshado wata qaban jireen.

"Si dalkeenu u bad baado, waxan idiin sheegayaa mudaharaadka waala dhigayaa, mudaharaadka salmiga ah sharciga, ayaa noo sheegaya, waa nagii aniga iyo Kulmiye dhigi jirnay, waakii Kulmiye baabuurta gubi jiray, saraakiisha kalkaa soo istaagtay ee leh sharciga diidaya, sharciga noo diidaya noo sheega" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu balan qaaday in bannaanbuxu noqon doono mid salmi ah, oo ciidanka booliisku ay hareeraha iska taagi doonaan dadka mudaharaadayaasha ah "Waxa dhacaya, oo gobolada oo dhan ka dhacaya insha allah, bannaanbax salmi ah oo booliisku hareeraha iska taagaan".

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in laysku duubnaado, xili uu ku andacooday in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu waxyeelaynayo jiritaanka iyo wadajirka shacabka Somaliland.

Waxa uu sheegay in qaraarka maxkamada sare aan doorasho, lagu gali karin ilaa oo la sameeyo sharci jidaynaya in doorashada urrurada loo qabto si gaar ah, oo aan ku hoos jirin doorashada dowladaha hoose.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]