4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2022
Al-Shabaab oo goob fagaaro ah ku toogatay 7 ruux oo ay ku eedeeyeen jaajuusnimo
 

Axad, Luulyo, 31, 2022 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shaaab ayaa 7 ruux oo dhamaantood ahaa rag ku toogtay goob fagaare ah oo ku taala deegaanka lagu magacaabo Buulaay ee ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ahayeen basaasiin u shaqenayay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dowladda Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Fagaaraha lagu toogtay todobada ruux ayaa waxaa isugu soo baxay oo usoofiirsi tagay boqolaal dad weyne ah oo ka kala yimid xaafadaha deegaanka Buulaay ee gobolka Baay, waxaana fagaaraha toogashada ka dhacay ku sugnaa horjoogayaal ka tirsana Al-shabaab.

Ka hor inta aanan toogashada lagu fulin 7 ruux ee Shabaabka ku eedeyeen iney jaajuusiin ahayeen, waxaa fagaaraha lagu tooganaayay ragaani Al-shabaab ka sheegeen iney qirteen iney ahaayeen basaasin fududeeyay dilal loo geystay madax ka tirsaneyd Shabaab iyo duqeymo diyaaradeed lala eegtay xarumaha Shabaab oo lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsaneyd kooxda.

Todobada ruux ee toogashada ku fuliyeen Al-shabaab ee dhamaantood ku sheegeen iney jaajuusiin u ahayeen dowlada Mareykanka, dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa magacayadoo ka yihiin, Ceymooy Geedi Aadan, Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow, Cali Maxamed Madoobe, Colaad Cabdiraxmaan Maxamed, Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim, Towfiiq Jinow Aadan iyo Mayow Maxamed Yarow.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab sidaan oo kale goob Fagaaro ah ugu toogato deegaanada ay maamulaan dad ay ku eedeynayaan iney yihiin basaasiin la shaqeysa dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka iyo dowladaha kale ee taageera dowlada Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]