4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2022
Faahfaahin ku saabsan qaraxyo sababay dhimasho oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Shabeeladda hoose
 

Arbaco, Luulyo, 27, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyooday, 18 kalena way ku dhaawacmeen Qarax Miino oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa xoolaha ee Afgooye, halkaas oo ay ku sugnaayeen boqalaal qof oo shacab ah, lamana oga cidda la bartilmaameesaday Qaraxan.

Maamulka isbitaalka guud ee Afgooye ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca Qaraxa ka dhashay, waxayna sheegay in dhaawacyada daran loo qaaday magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa kusoo aaday, iyadoo maanta magaalada Marka ee caasimadda Shabeellada hoose uu ka dhacay Qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay guddomiyahii degmada Marka iyo 12 qof oo kale, oo ay ku jireen ilaaladiisa.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay muddo dheer ku raad jooogeen guddoomiyaha degmada Marka ee maanta la dilay.

Dhinaca kale, Muqdisho gaari loo maleynayo in Qaraxyo lagu diyaarinayo ayaa ku qarxay guri kuyaallay Dharkeenley, waxaana ku geeriyooday labo qof oo la tuhunsan yahay inay Qaraxa ku xirayeen gaariga.

Guriga uu ka dhacay Qaraxa ayaa burburay, sida ay muujinayeen sawirro lagasoo qaaday qaraxa kadib, kadib markii halkaas Booliisku gaareen.