4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2022
Ururka ganacsatada Jaadka Kena oo walaac ka muujiyay in dowladda Soomaaliya ay kordhisay canshuurta Qaadka
 

Arbaco, Luulyo, 27, 2022 (HOL) - Ururada ganacsatada Jaadka Miirowga Kenya, ayaa sheegay inay magaalada Muqdisho u dhoofiyeen 38 tan oo ah Jaadka Miirowga, maalmihii isniinta iyo talaadada, todobaadkan.

Guddoomiyaha ururka Beeraleyda Jaadka Miirwoga, ayaa dhinac kale sheegay, in ay la kulmeen dhibaatooyin caqabad ku noqon kara heshiiska ganacsi ee Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kordhisay canshuurta laga qaado Qaadka, wuxuuna sheegay lacag dhan $15, in kiilada Miirowga ah lagu geeyo magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigaysa mid qaali ah suuqa.

Dowladda Soomaaliya, ayuu ku andacooday in ay canshuurta Kiilada Jaadka ka dhigtay $5, halka ganacsatadu ay dalbanayaan $4.50.

Ganactada Jaadka Miirowga waxay sheegeen inay arrintaan keenayso in aysan la tartami karin Jaadka laga keeno dalka Ethiopia, kaasoo qiimo ahaan ka jaban dulsaarka laga qaado.

Waxay dowladda Soomaaliya ka codsadeen in dib loo eego qiimaha canshuurta Qaadka, loona baahan yahay in labada dal ay galaan wada hadalo dheeri oo ku saabsan ganacsiga Qaadka.