4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 20, 2022
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo soo bandhigay qalab casri ah
 

Axad, Febraayo, 20, 2022 (HOL) - Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo bandhigay qalab lagu tixraacayo xogta codbixiyaha  oo ay Taiwan ugu deeqday.

Kaltuun Xaaji Daahir oo kamid ah guddida doorashooyinka, ayaa sheegtay in qalabkan loo isticmaali doono hubinta xogta codbixiyaha.

"Yaan loo fahmin in qalabkan lagu howgalayo diwaangalinta, diwaan galin maaha, waa maalinta doorashada, wuxuu hubinayaa codbixiyaha saxda ah, wuxuu inoo sheegayaa qofkaasi ma laba ma dhidig baa, goobta uu iska diwaangaliyay, taariikhda, iyo in uu isagii yahay, iyo in uu qofkani isku dayay in uu goob kale ka codeeyo" ayay tidhi Kaltuun.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac), ayaa ka waramay tijaabo ay xisbiyadu goob joog ka ahaayeen oo ay qalankan ku sameeyee.

"Waa daahfurka qalabkaa cusub, ee dowlada Taiwan inaga caawisay, waxaanu dalbanay in xisbi kastaa keeno 10 qof oo hay'ada shaqaalaha ka diwaan gashan iyo 10 aan ka diwaan gashanayn oo aanaan anagu garanayn si mishiinku noogu kala saaro" ayuu yidhi Riyo-raac.

Waxa kale oo uu sheegay in qalabkani ka caawin doono in ay sifudud u helaan xogta codbixiyaha "Taiwan waxay inoo keentay in aynu akhriyi karno xogta codbixiyaha oo aan cidina ku murmi doonin".

Qalabkan ayaa sare u qaadi doono kalsoonida lagu qabo natiijada doorashooyinka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]