4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2022
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Imaaraadku waa hormuudka taageerada lagama maarmaanka u ah Soomaaliya
 

Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadantinimada iyo gurmadka abaaraha ayaa bogaadiyay taageerada dowladda Imaaraadka ay u fidisay dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya.

Wuxuu bogaadiyay sahayda joogtada ah ee Imaaraadku siiyo dowlad goboleedyada kala duwan ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa ay abaaruhu saameeyeen, tan iyo markii ay bilowdeen dhibaatooyinka abaaruhu sababeen.

Cabdiraxmaan Cabishakuur oo la hadlay wakaaladda wararka ee Imaaraatka Carabta wuxuu yiri “Imaaraadku waa hormuudka taageerada lagama maarmaanka u ah Soomaaliya ee dhibaatada jirta, maadaama uu ahaa dalkii ugu horreeyay ee ka jawaaba baaqii ay bilowday dowladda Soomaaliya ee ahaa in gurmad deg deg ah lala soo gaaro. dadka abaaruhu saameeyeen.”

Waxa uu xusay in Imaaraadka ay sameeyeen buundada hawada ee lagu daabulo agabka, islamarkaana ay soo direen markab siday in ka badan 1,000 tan oo cunto iyo gargaar ah si uu u daboolo baahida ku dhawaad 2.5 milyan oo qof.

Ergayga abaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay shirkii ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta, kaasoo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay.