4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Dowladdu qabaa’il ma hubayn, laakiin waxay ku taageertay inay deegaanadooda ka xoraystaan Alshabaab
 

Arbaco, December, 7, 2022 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in aysan marnaba ku talo galin inay hubayso qabaa’ilada Soomaaliyeed, hase ahaatee wuxuu sheegay dowladdu inay qabaailada ku taageertay inay deegaanadooda ka xoraystaan kooxda Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo khudbad ka jeedinayay shirka aragti wadaaga Soomaalida ee Heritage ee ka socda dalka Jabuuti, ayaa sheegay dowladdu inay taageertay oo dhiirri galisay inay dadku kacaan oo deegaanadoodii dib ugu laabtaan, si ay isaga dulqaadaan dhibaatada Alshabaab ku hayaan.

“Qabaail baa la hubaynayaa. Mushkilad qabiil baa la galayaa. Mushkilad qabiil waan soo marnay. Laakiin tanoo kale ma ahayn, wax la isbarbar dhigi karana ma ay ahayn,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynuhu wuxuu Alshabaab ku tilmaamay Kansar madaxa gala oo aan dawo lahayn oo u baahan in la cirirbtiro. Wuxuu sidoo kale mushkiladda qabiil ku sifeeyay arrin dadka Soomaaliyeed ay xal u heli karaan oo aan u cuslays lahayn sida Alshabaab oo kale.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu inay haatan Soomaaliya ka fikerayso, Shabaab gadaashiis sida dalka dib u dhis loogu sameyn lahaa oo loo heli lahaa Soomaaliya oo ka madax bannaan fikirkii xagjirnimo ee Shabaab.