4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2022
Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa-bannaan ee Somaliland oo ka hadashay xadhig loo gaystay xubin ka tirsan ururka Kaah
 

Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Xarunta Xuquuqal Insaaka Maxada-bannaan ee Somaliland, ayaa cambaaraysay xadhig booliisku u gaystay xubin ka tirsan ururka Kaah.

"Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa-bannaan ee Somaliland, waxa ay cambaaraynaysa xadhiga sharci darada ah, ee lagula kacay Axmed Maxamed Cabdi Da'uud, Axmed waxa uu ka tirsanyahay Golaha Dhexe ee Ururka Kaah" ayaa lagu yidhi warbixinta xarunta.

Xarunta ayaa sheegtay in masuulkan la xidhay 24 November kadib markii uu bogiisa Facebook soo dhigay, qoraal uu ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu ku lug leeyahay ka ganacsi qaad, xarunta ayaa sheegtay in masuulkan xadhigiisa aan sharciga loo marin.

Xaruntu waxa ay sheegtay in Axmed lasii daayay 27 November kadib markii inta maxkamada la hor keenay uu booliisku wax danbi ah ku waayay, lakiin dib loosoo xidhay 28 November, isla markaana hada uu ku jiro saldhig booliis iyadoo maanta maxkamada la horgeeyay.

Xarunta ayaa ku eedaysay booliiska in ay jidh dil u gaysteen markii ay qabanayeen, taasi oo ay xaruntu sheegtay in ay walaac ku abuurtay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]