4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2022
Booliska Soomaaliya oo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku qabtay daawo aad u badan oo xanuun baabi’iyaal ah
 

Isniin, December, 5, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku qabtay daawooyin aad u badan oo kaar jebiyayaal ah oo ay ku jiraan Pethidine iyo Cirbadda Oxytocin ee loo isticmaalo xilliga foosha dumarka.

Afhayeenka ciidanka Booliska Saddiiq Doodishe ayaa sheegay in ay dawooyinkan yihiin kuwo si khaldan maalin walba loogu isticmaalo waddooyinka Muqdisho.

Boqolaal dhallinyaro ah ayaa dawadan ka dhigtay balwad ay maalin walba isticmaalaan, waxaana la'aaminsan yahay in dhallin badan naftooda ku waayeen, kuwa kalena ay nolasha haatan ku silicsan yihiin.

Kaniiniga Pethidine oo ah xanuun baabi'ye xooggan, isla markaana la siiyo bukaannada dhaawacyada halista ah ay soo gaaraan, ayaa dhallinta ku nool gudaha dalka ay ka isticmaalaan tiro ka badan inta la siiyo bukaanka loogu tala galay daawadan.

Dhallinta jirkooda ku daroogeeya dawooyinkan, ayaa waxay ka soo iibsadaan goobaha farmashiya-yaasha ah ee lagu iibiyo dawooyinka, waxaana wadooyinka Muqdisho lagu arkaa iyagoo aad u dawaqsan oo gidaarada ku dhacaya.