2/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2022
Mid ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo magaca laga badalay
 

Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu magaca kaga badalay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya.

Wareegtada uu magaca kaga badalay Raysal wasaare Xamse Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa  ku taariikheysan bishii dhamaatay 30-keedii ee sanadkan 2022, iyadoo magaca rasmiga ah ee Wasaaradda lagu sheegay  Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah (Ministry of Fisheries and Blue Economic.

Wasaaradda Kaluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa noqoneysa Wasaaraddii ugu horeysay ee magaca laga badalo, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, lamana cadeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in magaca laga badalo Wasaaradda Kalluumeysiga Kheyraadka Badda.

Hoos ka Akhriso wareegtada oo dhameystiran:-













Click here
12/4/2022 3:07 PM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Waxaa dalka Djibouti ka furmay shirkii madasha aragti wadaaga Soomaalida ee uu soo qaban-qaabiyo machadka Heritage, shirka sannadkan waxaa looga hadlayaa oo lagu lafu guri doonaa maalmaha uu socdo baaritaano laga sameeyey abaaraha ku soo noqnoqday Soomaaliya.

12/4/2022 8:48 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland oo ah gole ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahannada ayaa ka digay waxay ugu yeereen xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalan karta muddo kororsiga madaxweyne Deni.

12/4/2022 6:33 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Wasiirka Maliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.

12/4/2022 4:31 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed, xukunkaas oo ah qisaasta dil uu u geystay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed.

12/4/2022 1:58 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay Maanta kaabiga ku hayaan degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

12/4/2022 1:22 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay wasiirka diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, in uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan ururka Alshabaab.