4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 31, 2022
Roobab wata qabow darran oo ka da'aya deegaannada xeebaha ee Puntland
 

Sabti, December, 31, 2022 (HOL) - Roobab qabow wata ayaa da’aya deegaano katirsan Puntland, labo maalin kaddib markii wasaaradda masiibooyinka Puntland ay soo saartay digniin ku saabsan roobab dabeylo wata oo dhinaca bad weynta Hindiya iyo badda cas ka imaanaya.

Roobabka ayaa haatan lasoo sheegaya inay ka da’ayaan deegaanno kuyaala gobolka Bari oo dhaca dhanka xeebta, halkaas oo xalay roobkii ku bilowday uu weli ka da’ayo.

Xiriir ay warbaahinta HOL la sameysay masuuliyiin katirsan Puntland oo ku sugan dhulka Roobku ka da’ayo, waxay ku ogaatay in uusan jirin wax khasaare ah oo roobku geystay.

Dadka ayaa ku jira feejigaanta khatarta ka dhalan karta daadad ka dhasha roobka.

Waxaa xusid mudan meelaha uu roobku ka da’ayo waxaa ka jirtay abaar aad u darran, waxaana roob ugu dambeysay bishii tobnaad ee sannadkii hore.

Booyada biyaha ah ayaa lagu kala iibsanayay lacag u dhaxaysa $200-$250.

Dadkii degennaa ayaa badi abaarta uga hayaamay, kuwaas oo biyo iyo baad u raadsaday deegaano roobku ku dambeeyay.

Maalmaha ugu horreeya sannadka cusub, ayaa cabsi laga qabaa in roobab dabeylo wata ay ka da'aan Puntland, sida lagu sheegay digniinta doraad lasoo saaray.

Afartii sanaba mar xilliyadan oo kale, Puntland waxaa da'a roobab dabeylo wata oo waxyeelo geysta.

Sannadkii 2019,  ayay ahayd markii ay Puntland ku dhufatay duufaantii Pawan, taasoo geysatay geerida 6 qof iyo kumanaan qoys oo ku hoy iyo hanti beelay.