4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Koonfur Galbeed oo gaaray is faham muhiim
 

Jimco, December, 30, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xalay mar kale kulan kula qaatay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho siyaasiyiinta ku midoobay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa kii labaad oo ka dhaca hoyga gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ahaa mid daarna arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo xal u helista is maandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo musharaxiinta kasoo horjeeda mudo kororsiga madaxweyne Laftagareen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dadaal dheer ugu jira xal u helista siyaasada cakiran ee Koonfur Galbeed ayaa Siyaasiyiinta mucaaradka ah waxay Isla meel dhigeen in laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo taala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo Koonfur Galbeed u ah Caasimad Kumeel gaar ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in gudoomiyaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ay isku afgarteen inta badan saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, iyadoo loo balamay inta hartay in lagu dhameystiri doono shirka dib u heshiisiinta.

Labada dhinac ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqadii ka dhacday todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana siyaasiyiinta ay ka dalbadeen guddoomiyaha Golaha Shacabka inuu ka shaqeeyo wax qabashada waxyeeladii ka dhalatay shaqaaqadaasi.

Gabagabadii guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa siyaasiyiinta u balan qaaday in tabasha kasta oo lakala qabo lagu xalin doono shirka loo madalsan yahay bilawga bisha Janaayo, isagoona dalbaday in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka deegaanka, si Koonfur Galbeed ay u noqoto meel xasilooni siyaasadeed ka jirto.