4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2022
Ciidamada dowlada oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose
 

Jimco, December, 30, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugida Qaranka iyo kuwa Booliiska Haramcad ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanada Jilib marka iyo Gandarshe oo ah deegaano hoostaga magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanadan ay la wareegeen ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxaa horay ugu sugnaa dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab, waxaana saraakiisha ciidanka ee howlgalka hoggaamineysay ay sheegen in howlgallo qorshaysan oo ay sameeyeen ciidanka ay Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Nabadsugida iyo Booliiska Haramcad ayaa sidoo kale deegaanada Gandarshe iyo Jilib marka ka sameeyay howlgalo miino baaris ah labadan deegaan oo ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab oo mudo badan ka talineysay.

Dhowr maalin ka hor ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in ciidamada Nabadsugida qaranka iyo Booliiska Haramcad ay howlgalo balaaran ka sameeyeen wadada u dhaxeysa magaalooyinka Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Howlgaladaan ay ciidamada dowladda kula wareegeen deegaanadan hoostaga magaalada Marka ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada culus ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab oo ay ciidamada dowladda ka wadaan gobolada dalka.