4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2022
Magaalada Maqale ee gobolka Tigray oo ay si buuxda ula wareegeen Ciidamada Federal Booliska Itoobiya
 

Jimco, December, 30, 2022 (HOL) - Ciidamada Federal Booliska Itoobiya ayaa gudaha u galay magaalada Maqale si ay usugaan amniga magaalada Maqale iyo waliba xarumaha dowliga ah ee ku yaal isla magaalada Maqale.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Ciidamada Federal Booliska ee Itoobiya, Ciidamadan ayaa sugi doona amniga garoomada diyaaradaha, Isgaarsiinta, xarunta Korontada, Bangiyada iyo goobo kale oo dhammaantood hoos taga dowladda dhexe ee Itoobiya.

Sida ku xusnayd heshiiskii ay dhawaan gaareen Itoobiya iyo TPLF, waxaa dhammaan gobolka Tigray sugi doona amniga Ciidamada Federal Booliska ee Itoobiya.

Ciidamadan Federal Booliska ayaa ah Boolis laga maamulo dowladda dhexe ee Itoobiya, kuwaas oo ka kooban dhammaan qawmiyadaha wada dega Itoobiya, iyagoo suga inta badan laamaha dowladda dhexe ee ku yaal degaannada dalka Itoobiya.

Guud ahaan gobolka Tigray ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa loo siidaayay adeegga Isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale dib loo furay Bangiyadii iyo adeegyadii kale ee aasaasiga ahaa waxayna arrintani qayb ka ahayd heshiisyadii ay labada dhinac horey ugu gaareen Koonfur Afrika iyo Kenya.