4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in la kordhinaayo Miisaaniyadda Hay'adda Naafadda
 

Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusaayey Maalinta Caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo muhiim ah ka jeediyay munaasabadda.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka qaba baahiyaha gaarka ah ay dowladda Soomaaliya u kordhinayso miisaaniyadda Hay’adda Naafada Soomaaliyeed.

“Dalkeena waxa uu kaga duwan yahay dalalka kale ee caalamka tirada dadka ku naafooba qaraxyada iyo weerarrada arxan darrada ah ee Khawaarijta, taas oo aad u kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafada ah, sidaas awgeed waa in ay isbarbar socdaan halganka dalka lagaga xoreynayo cadowgaas iyo wax u qabashada dadkeenna ay naafeeyeen” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Sanad walba Maanta oo kale ayaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah, waxaana xusid mudan in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka mid ah dowladaha saxiixay axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka Naafada ah.