4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 29, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka difaaca Kenya oo ka wada hadlay iskaashiga dagaalka Alshabaab iyo dib ufuridda xuduuda
 

Khamiis, December, 29, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale, waxayna ka wada hadleen Iskaashiga Amniga iyo sidii dib loogu furi lahaa xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga ayaa la sheegay inay isla meel dhigeen sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Alsabaab, oo ay dowladdu ka gaartay guulo waaweyn.

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen qaabkii dib loogu furi lahaa xuduudda labada waddan ee deriska ah, si ay u sahlanaato isu socodka iyo ganacsiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ayaa qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo Jubaland ku sugan, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dowlad gobolleedka Jubaland ayaa waxaa ka socda u diyaargarowga dagaal xooggan oo Alshabaab looga xoreynayo Jubbaland.