4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 29, 2022
Axmed Karaash: Waxaan ka xunnahay in madasha wadatashigu iska indho tireen xaaladda Laascaanood

Khamiis, December, 29, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash iyo qaar katirsan wasiiradda iyo xildhibaannada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo ku shirsanaa Muqdisho ay iska indho tireen xaaladda magaalada Laascaanood.

“Waan ka xunnahay in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madasha wadatashiga qaranka oo shirkoodu ka socaday Muqdisho ay iska indha tireen guud ahaan xaalada deegaanadaas oo iyagu ah kuwo markasta u taagan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed taas oo kaliftay dhibta joogtada ah ee lagu hayo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kulan ka dhacay guriga madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Kulanka ay isugu yimaadeen mas’uuliyiintan ayay ugu baaqeen Beesha-caalamka iyo ururada gobolkaba inaysan indhaha ka qarsan waxay ugu yeereen, xasuuqa ba’an iyo cabudhin joogto ah oo lagu hayo in muddo ah bulshada Laaascaanood.

“Waxanu bulshadayada u cadaynaynaa in aanu Naf iyo Maalba u hurayno sidii looga kor qaadi lahaa nidaamka caadaystay gumaadka shacabkeena sidaas darteed waxaanu si buuxda usoo dhoweynaynaa una garab taaganahay kacdoonka bulsha-waynta gobolka Sool gaar ahaan degmada laascaanood ay kaga soo horjeedaan dilalka, cabudhinta, iyo doonista xoog ku haysashada, “ ayaa lagu yiri bayaanka.

Hadalka masuuliyiintan ayaa kusoo aaday, xilli maalintii saddexaad uu mudaharaad ka socda magaalada Laascaano, kaasoo looga soo horjeedo dil ay ciidanka Somaliland u geysteen dad rayid ah oo ka mudaharaadayay dilalka dadka haldoorka loogu geysto magaalada Laascaano, dilalkaas oo noqday kuwo aan cidno loosoo qaban.