4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 29, 2022
Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay gumaad ku hayso shacabka Laascaanood
 

Khamiis, December, 29, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay Somaliland inay shacabka magaalada Laascaanood ku hayso tacaddi weyn oo u baahan inay hay’adaha xuquuqul insaanku il gaar ah ku hayaan.

Wasiirka warfaafinta Puntland Eng, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in waxa Laascaanood ka dhacaya ay yihiin gumaad lagu hayo shacabka, isagoo sheegay in ciidamada Somaliland ay si bareer ah u laynayaan dadka shacabka ee sameynaya mudaharaadka looga soo horjeedo dilalka lagu hayo dadka rayidka ah.

Wasiirka warfaafinta ayaa ugu baaqay shacabka in aysan joojin kacdoonka ay kagasoo horjeedaan Somaliland, isagoo sidoo kale ugu baaqay inay iska diidaan diiwaan galinta doorashooyinka Somaliland ee haatan ka billowday Sool.

Si kastaba ha ahaatee, Labo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay mudaharaadka magaalada Laascaanood ka socda, iyadoo mudaharaadkaas loogasoo horjeedo sida ay Somaliland wax uga qaban la’dahay dilalka lagu hayo haldoorka.

Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay dadka u adeegsanayaan rasaas nool nool, taasoo keentay inay labo qof ku geeriyoodaan, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Bandow ayaa magaalada lagusoo rogay, dhammaana waxaa xiran ganacsiga, iyadoo laga cabsi qabo in mudahaaradyadu sii ballaartaan.

Muuqaal xalay lasoo dhigay baraha internetka oo ahaa maydka wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa mudaharaadyaasha ay toogteen ciidamada Somaliland ayaa xaaladda sii kiciyay.

Arrimahan oo idil ayaa salka ku haya caro ka dhalatay dil habeeno ka hor magaalada Laascaanood loogu geystay Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi Hadraawi oo kamid ahaa saraakiisha xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI.