4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in cadow Laascaanood soo weeraray
 

Arbaco, December, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay dilalka iyo qalalaasaha Laascaanood, ayaa sheegay in cadowga Somaliland ay Laascaanood soo weerareen.

Madaxweynaha sheegay in uu xanuunka la qaybanayo shacabka Laascaanood, isaga oo sheegay in dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen mudaharaadadii shalay dhacay,

"Markii aaskii laga soo baxay dhalinyaro iyo dumar caadifadoodu aad u sarayso ayaa mudaharaad abaabulay, ciidamada amaanka ayay isku dhaceen 3 qof ayaa dhintay inta la hubo 9-na waa dhaawac, waa mushkilad aynaan filay, waa mushkilad naxdin teeda leh, waan la qaybsanayna dadkii ay dadkaasi ka dhinteen" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in dilalka Laascaanood ka dhacaya ay gaystaan dad Somaliland cadow ku ah, dilalkaasi oo uu ugu danbeeyay kii Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi, oo xisbiga WADDANI ka tirsanaa.

"Sidaad la socotaan cadowga Somaliland oo dhibaato iyo dilal badan ka gaysta Laascaanood, habeen hore waxay ku dileen nin dhalinyaro ah oo aqoon yahan ah ... oo aad dadku uga damqadeen geeridiisa" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay madaxweynuhu in loo baahanyahay in si wada-jir ah, looga hortago arrinta dilalka qorshaysan ee Laascaanood ka dhacaya, waxaana uu ku baaqay in loo guntado sidii loo ogaan lahaa cida ka danbaysa dilalka.

"Arrintaa lagu beegsanayo haldoorka Laascaanood waa arrin inooga baahan wadajir, in badan ayaynu waynay halka ay ka socotee, xukuumad, dowlad, shacbi in aynu iskugu tagno, in aynu helno mushkiladaasi halkay ka socoto" ayuu madaxweyne Biixi.

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa ku sugan gobolka Sool, xili dilalka Laascaanood ay si wayn u taabteen qalbiyada shacabka Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]