4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2022
Diwaangalinta codbixiyayaasha oo Somaliland ka bilaabantay
 

Arbaco, December, 28, 2022 (HOL) - Diwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland, ayaa saaka si rasmi ah uga bilaabantay guud ahaan Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka  Somaliland  Muuse Xasan Yuusuf, ayaa ku dhawaaqay bilaabashada diwaangalinta codbixiyayaasha, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay is diwaangaliyaan.

"Waxa farxad wayn noo ah in dib u furistii diwaangalintu ay bilaabantay oo goobihii aanu ugu talogalnayna ay ka bilaabantay, waxaanu muwaadiniinta Somaliland ugu baaqaynaa oo aanu faraynaa in ay isdiwaangaliyaan" ayuu yidhi guddoomiye Xasan.

Saddexda xisbi siyaasadeed ee horay u jiray iyo ururada cusub, ayaa bulshada aad ugu dhiirigalinaya, in ay qaataan kaadhadhka codbixinta, iyadoo musharax Cirro iyo saraakiil kale ay safaro ku marayaan gobolada iyaga oo dadka ku dhiirigalinaya in ay is diwaangaliyaan.

Mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ayaa inkasta oo ay u wada sacabo tumeen bilaabashada diwaangalinta codbixiyayaasha aan hadana wali ku heshiin ta soo horaynaysa doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]