4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2022
Waddooyinka Muqdisho oo saakay loo xiray madaxweynaha Jabuuti iyo dowladda oo shacabka farriin u dirtay

Arbaco, December, 28, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa saakay u xirtay inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho madaxweynaha  dalka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka ah ayaa ku khasbanaaday inay lugeeyaan, kadib markii gaadiidka loo diiday inay isticmaalaan waddooyinka waawayn ee Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo vaxay dowladda ayaa shacabka loogu baaqay inay muujiyaan dulqaad, si loo sugo amniga martida Muqdisho imaanaysa.

Dowladdu waxay sheegtay in madaxweynaha Jabuuti uu safaro uga billaabanayo Muqdisho. Sidaas daraadeed waxay hay'adaha amniga ee dowladda ay sheegeen in la adkeeyay amniga caasimadda.

Xalay ayay ahayd markii dowladdu shaacisay in la joojiyay duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka oo saakay la hadlay warbaahinta ayaa cambaareeyay tallaabada dowladdu ku xirtay isku socodka gaadiidka, waxayna sheegeen inay dhibaato weyn ku qabaan xirnaanshaha waddooyinka.