4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2022
Mudaharaad lagaga soo horjeedo dilalka qorshaysan oo ka dhacay Laascaanood
 

Talaado, December, 27, 2022 (HOL) - Dadweyne ka cadhaysan dilalka dablay aan la aqoonsani ka gaystaan Laascaanood, ayaa burbur u gaystay fooqa shirkada Telesom ee magaalada Laascaanood.

Dadwaynaha ayaa dhagaxaan ku jiray qaar kamid ah wadooyinka Laascaanood, kadib aaska Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi, oo dablay hubaysani xalay ku dishay magaalada, dadka ayaa ka cadhaysan dilalka lagu beegsanayo shacabka Laascaanood.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Sool oo xabaasha Cabdifataax dusheeda kala hadlay dadweynihii aaska kasoo qaybgalay, ayaa shacabka ugu baaqay in ay wax iska celiyaan.

"Miyaynaan dhiig lahayn, miyaynaan dareen lahayn, adduunyada meelna kama dhacdo, maalinwalba in aabihii, wiilkii, adeerkii uu macno la'aan u aaso, waar wax iska celiya, oo damiir kiina ku tashada, oo dadka aad doorateen wax waydiiya, oo wax iska celiya" ayuu yidhi badhasaab ku xigeenku.

Waxa uu sheegay in ay xukuumadu ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato dilalka "Laba waxyaabood ayaa wax lagu qabtaa, ama nidaam ayaa wax lagu qabtaa, oo nidaam dowli ah ayaa wax qabta, nidaamkii dowliga ahaa waad aragtaan, waar reer Laascaanodow tashada ayaan anigu idin leeyahay".

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay mudaharaadka, lakiin xabad ayaa laga maqlayay agagaarka goobaha uu mudoharaadku ka dhacay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]