4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2022
IIhan Cumar oo bogaadisay guulaha dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab
 

Talaado, December, 27, 2022 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in horumarro waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo xustay in guulihii ugu dambeeyay ay soo celiyeen nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya, loona baahan yahay in saaxiibada caalamka ay ammaanaan.

Ilhan Cmar oo Muqdisho uga qeyb gashay xaflad casho sharaf ah oo uu soo agaasimay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in caalamku uu maal-gashi badan ku sameeyo Soomaaliya oo dhowr iyo labaatan sano u halgamayay xasilloonideeda.

“Markii aan soo socday waxaa la igu yiri waa waqtigii ugu xumaa ee wadanka, qarax badan ayaa ka dhacaaya dagaal ayaa ka socda meel weliba balse alle mahadi waxaa ii suuragashay in Garoowe illaa bardar-beela gaari ku tago oo Muqdisho ku casheeyo. aniga oo la jooga Madaxda Dalka ugu sarreysa” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Ilhan Cumar oo ka tirsan guddiga xiriirka dibadda ayaa xusay in taliska Mareykanka ee Afrika uu si hufan ula shaqeynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed [SNA] iyo saaxiibada kale si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo intaa ku dartay in loo baahan yahay in mar walba la qaato iskaashigaan oo kale.

“Soomaaliya wax badan ayey ku guuleysatay labadii sano ee la soo dhaafay, waana inaan dhammaanteen ogaanno arrintan, ma aysan fududeyn, laakiin waxaad mooddaa in Al-Shabaab ay ugu dambeyntii dhici doonto, waan uga mahadcelineynaa dadaalka baaxadda leh ee ay sameeyeen dadkii ku lugta lahaa, waana hubaa. guusha dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa, "ayay tiri Ilhan Cumar.