4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2022
Arday Dhigata Jaamacadda Hiiraan oo Tababar uga Bilowday Isbitaalka Gobolka ee Beledweyne
 

Talaado, December, 27, 2022 (HOL) - Arday dhigata kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Hiiraan ayaa maanta tababar saddex bilood ah uga bilowday Isbitaalka Gobolka ee Beledweyne. Aradadan ayaa takhasusyadoodu kala yihiin (1) Kalkaaliye Caafimaad (Nurse), (2) Caafimaadka Bulshada (public health), and (3) Farmashiye & Sheybaar (Pharmacy & Laboratory). Tababarkan ayaa wuxuu qeyb ka yahay barnaamijyada ay Jaamacadda ugu talagashay tayeynta waxbarashada ardada dhigata Jaamacadda Hiiraan.

Ahmed Elmi Muhumad oo ka mid ah Maamulka Sare ee Jaamacadda Hiiraan ayaa ardada kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan fursaddan oo ay muujiyaan karti iyo hufnaan isla markaana masuuliyadda anshaxa iyo sharciyada ilaaliyaan. “Waxaa maanta idiin bilowday baal cusub kaas oo gogolxaar u ah ka mirodhalinta wixii aad barateen iyo waliba nolosha dhabta ah”. Waxaa yiri Ahmed Elmi.

Dr. Saleban Abdi Ali oo ah maamulaha isbitaalka ayaa sheegay in Isbitaalka Gobolka ee Beledweyne uu yahay isbitaal ay joogaan dhaqaatiir qibrad leh kuna waxbartay dalka gudihiisa iyo dibadaba kuwaasoo diyaar u ah in ay ardada la wadaagaan qibradahooda, siiyaana casharo la xariira adeegyada kala gedisan ee uu isbitaalku fuliyo. “Waxaad la shaqeynayey doontaan dhaqaatiir, kalkaaliyaal iyo howlwadeeno ka shaqeeyo farmahiyaha iyo sheybaarka, waxaadna fused u heli doontaan in aad aragtaan habka ay u shaqeeyaan iyo waliba xaaladaha ay ku sahqeeyaan”. Waxaa yiri Dr. Saleban.

Jaamacadda Hiiraan waxaa dhigta arday tiradoodu kor u dhaafeyso 800 oo arday isuguna jira arday si buuxda (full time) u dhigata iyo kuwo wakhti gaaban casharadooda ku qaata (part time) waxaana lagu bartaa takhasusyo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalha iyo maamulka, tiknoolajiyada, beeraha, xoolaha iyo shareecada.