4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2022
Madaxweyne Deni oo ururada siyaasada ka diiday in wax laga bedelo qodobo ku jira xeerka doorashada
 

Talaado, December, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka diiday ururada siyaasada in wax ka beddel lagu sameeyo labo qodob oo katirsan xeerka doorashada.

Labadan qodob ayaa ah in la furo nidaamka xisbiyada  xaddidan ee dastuurka Puntland uu dhigayo, iyo in la dhimo tirada xildhibaannada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu 9 qodob oo kamid ah qodobadii ay soo jeediyeen ururada siyaasadu ay tabashadoodii xalliyeen, balse wuxuu sheegay labadan qodob oo mid kamid ah uu dastuuri yahay in uusan waxba ka beddeli karin.

Ururada siyaasada ayaa kasoo horjeeda in xisbiyadu ku xaddidnaadaan 3 xisbi muddo 10 sano ah. Waxay sidoo kale sheegeen inay muhiim tahay in la dhimo tirada kuraasta badan ee golayaasha deegaanka.

Qodobadan la isku khilaafsan yahay ayaa laga yabaaa inay khikaaf ka dhex abuuraan doorashooyinka soo socda ee Puntland, iyadoo  guddiga doorashada uu shanta january billaabayo diiwaan galinta codbixiyaasha doorashada dowladdaha hoose.