4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 26, 2022
Ilhaan Cumar oo beenisay in loo diiday safar ay ku tagi lahayd Boosaaso
 

Isniin, December, 26, 2022 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Koongareeska dalka Maraykanka oo maalmahan booqasho ku maraysay Puntland, ayaa beenisay warar ay qaar kamid ah saxaafaddu faafiyeen, oo ku saabsan in laga celiyay safar ay ku tagi lahayd magaalada Boosaaso.

Saxaafadda waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu amar ku bixiyay in Ilhaan Cumar aysan tagin magaalada Boosaaso, si aanay ula kulmin siyaasiyiin iyo madax dhaqameed uu Deni khilaaf kala dhaxeeyo.

Ilhaan Omar ayaa wareysi ay BBC Somali siisay waxay ku sheegtay, in waqtiga oo ku yaraaday aanay u suurto galin inay booqato magaalada Boosaaso, iyadoo sheegtay inay jirin sabab magaalada Boosaaso looga celin karo inay booqato.

Ilhaan oo dhawaan markii saddexaad kamid noqotay Koongareeska Maraykanka, ayaa safarkeeda Puntland uu la xiriiray inay wax ka ogaato halka ay marayaan doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland, waxayna la kulantay Deni iyo qaar katirsan xukuumaddiisa.

Maalintii shalay ayay u safartay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kula kulmayso masuuliyiinta dowladda federalka Soomaaliya.