4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 25, 2022
Galmudug oo xabsiga u taxaabtay odayaal Shabaab heshiis lasoo galay
 

Axad, December, 25, 2022 (HOL) - Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xabsiga dhigay Odayaal saakay saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada Alshabaab haysato ee Galmudug.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee ciiddanka xoogga dalka, General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, odayaasha la xiray in loo gudbiyay Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo.

Sidoo kale, Wasaaradda amniga Galmudug oo war kooban soo saartay ayaa digniin ugu dirtay cid kaste oo Shabaab macaamil la sameysa in tallaabo laga qaadayo, si lamid ah odayaasha maanta la xiray.

Odayaasha la xiray ayaa lagu kala magacaabaa, Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Cali iyo Cumar Maxamed Jimcaale, waxayna muddo ku dhow bil ku sugnaayeen magaalada Xarardheere. Halkaas oo ay kusoo saxiixeen heshiis 8 qodob ka koobnaa.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo isna ka hadlay xariga odayaashaan ayaa sheegay inay dambiilayaal yihiin, caddaaladana la horkeeni doono, iyaga iyo wariyaashii Wareystay.

Saacado ka hor ayay ahayd markii odayaashaan oo kasoo laabtay magaalada Xarardheere ay sheegeen inay Shabaab ugu tageen sii daynta dad la haystay.