4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 25, 2022
Odayaal dhaqameed heshiis lasoo saxiixday Alshabaab oo kusoo laabtay magaalada Cadaado
 

Axad, December, 25, 2022 (HOL) - Odayaal dhaqameed dhawaan heshiis lasoo galay kooxda Alshabaab, ayaa maantay oo axad ah dib ugusoo laabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Odayaashaan ayaa difaacay u tegitaankooda Alshabaab. Waxay tilmaameen inay kalasoo hadleen, sii daynta 70 qof oo u xirnaa Alshabab, beegsiga shakhsiyaadka kasoo jeeda beesha reer Xaaji Salabeen iyo in xannibaada laga qaado gaadiid muddo dhowr bil ah lagu haysto dhulka Alshabaab.

Odayaashu waxay iska fogeeyeen inay Shabaab wax wada shaqayn ah laleeyihiin, iyagoo sheegay inay gudanayeen masuuliyadda ka saarnay dadka ay waxgaradka u yihiin, kuwaas oo ay sheegeen inay dowladda ku dayacday kaalinteedii.

Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda amniga ee maamulka Galmudug ay faafisay magacyada saddex oday dhaqameed oo u galay Alshabaab, kuwaas oo ay laamaha amniga fartay inay gacanta kusoo dhigaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin.

Galmudug waxay sheegtay cid kaste oo la xiriir ama wada shaqayn ah la sameysa Alshabaab, inay iyaga lamid yihiin.

Hehiiska ay soo saxiixeen odayaashan kusoo laabtay Cadaado, waxaa kamid ah inay ka horyimaadaan duullaanka dowladda Soomaaliya ku hayso kooxda Alshabaab.